PM Xamse oo ka qaybgalay shir u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya

Published: May 7, 2024
Shares4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka dhacay Magaalada Nairobi kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada Dal.

Raysalwasaaraha waxaa shirka ku weheliyey Wasiirada Arrimaha dibadda, Amniga, Gaashaandhigga, Waxbarashada iyo qaar kale.

Dhanka Kenya, waxaa kulanka u hoggaaminaaya Madaxwayne Ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, waxaana ku weheliyey qaar kamid ah golaha wasiirada Kenya.

Shirkan ayaa daba socda heshiisyo labada dal ay kala saxiixdeen maalintii Isniinta.

HORSEED MEDIA