Xamaas oo aqbashay soo jeedinta xabbad joojinta dagaalka Gaza iyo Israa’iil oo diiday Sharuudaha

Published: May 7, 2024
Shares4

Xamaas ayaa Isniintii ogolaatay hindise xabbad-joojin ah ee Gaza, xili milatariga Israa’iil ay u sheegeen dadka inay ka baxaan qaybo kamid ah magaalada Rafah, oo hoy u ah in ka badan hal milyan oo barakacayaasha ah.

Madaxa Xamaas Ismail Haniyeh ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani iyo wasiirka sirdoonka Masar Cabbaas Kamel, “wuxuuna ku wargaliyay in Xamaas ay ansixisay hindisehooda ku aadan heshiis xabad joojin ah”

Qoraal kasoo baxay ururka Xamaas

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa si kastaba ha ahaatee ku nuuxnuuxsaday in oggolaanshaha kooxda “ayna macnaheedu ahayn in xabbad joojintu ay weli dhaqan-gal tahay”, isagoo tilmaamay in “dhinaca Israa’iil aysan weli soo gudbin mowqifkeeda”.

Heshiiskan xabad-joojinta Gaza oo ay Xamaas aqbashay ayaa qorayey in sadex waji oo ka kooban midkiiba 42 maalmood lagu siidaayo laheystayaasha Israel ee Xamaas heyso.

Dhinaca kale Xukuumada Israel ayaa ansixisay in ciidamadooda gudaha u galaan magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, waxayna xalay duqeyn xoogan la beegsadeen gudaha Rafah.

Ciidamada Israel ayaa saaka oo Salaasa ah lagu arkayaa xaduuda koonfureed ee Rafah la wadaagto dalka Masar, iyagoo burburiyey wadooyinka taga Rafah.

Horseed Media