In ka badan 90 arday oo ka qalin jabisay jaamacadda Bariga Afrika faraca magaalada Bosaso-Sawiro

Published: January 17, 2017

Jaamacadda Bariga Afrika faraca magaalada Bosaso ayaa waxaa ka qalin jabiyey arday, kuwaasi oo bartay kulyadaha kale duwan ee jaamacadda.

Ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ayaa waxa ay isugu jireen gabdho iyo wiilal, waxa ayna dhammaayeen 97 arday.
Ardayda ayaa ka aflaxay kulyadaha kalaah dhaqaalaha, maamulka iyo maareynta iyo caafimaadka.

Xafladda qalin jabinta oo si weyn loo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda, waxaana ka soo qeyb galay maamulka jaamaacadda , arday, aqoonyahano, siyaasiyiin, nabadoono, maamulka gobolka Bari, culim’udiin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Khudbado kale duwan ayaa laga soo jeediyey intii ay socotay xafladda oo ka hadlayey qiimaha ay leedahay waxbarashada, iyadoo ardayda ka qalin jabisay loo diray hambalyo iyo bogaadin.

Mudane Aadan Sheekh Cali gudoomiyaha jaacamadda Bariga Afrika oo ugu horeyn goobta ka halay ayaa hambalo u diray arday ka qalin jabisay jaamacadda, isl markana ka sheekeeyey marxaladii kale duwanaa ay soo martay jaamacadda.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Bari Axmad Xaaji Maxamad Axmad oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in ardayda wixii ay barteen shacabkooda uga faa’ideeyaan, isagoona hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda.

Qaar ka mid ah ardayda oo madasha ka hadashay ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalliinta jamaacdda, iyadoona guddoonsiyey shahaado sharaf.

Jaamacadda Bariga Afrika ayaa waxa ay ku leedahay faracyo gobolada Puntland, waana jaamacaddii ugu horeysay.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *