Moussa Faki Mahamat oo loo doortey Madaxa Komishanka Midowga Afrika

Published: January 30, 2017

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Chad Moussa Faki Mahamat ayaa ku guuleystey doorashadii maanta ka dhacdey Xarunta Midowga Afrika ku lee yahay SAdfis-Ababa waxaana uu noqonayaa madaxa Kommishanka Midowga Afrika, xilkaas oo ay haysey haweeneyda la yiraahdo Nkosazana Dlamini-Zuma.

Moussa Faki Mahamat ayaa ka guuleystey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Mohammed oo muddo dheer dalkeedu u ol-oleynaayey in ay noqoto Hoggaamiyaha cusub ee Midwga Afrika. Moussa Faki Mahamat ayaa helay 38 cod oo ka mid ah 54 dal ee AU.

Moussa Faki Mahamat ayaa horey dalkiisa uga noqdey raysalwasaare waxaana uu dagaal la galay kooxa mayalka adag ee fadhiyadoodu yihiin Nayjeeriya, Mali iyo weliba Saaxil. Wuxuu sheegay in Midowga Afrika u baahan yahay hoggaamiye adag isaguna uu yahay qofkii ku habboonaa.

Madaxweynaha dalka Gini Alpha Cond├® ayaa isagana loo doortey hoggaamiyaha Midowga Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *