Tacsi: Gen Cadde Muuse Xirsi oo dalka Imaaraadka ku geeriyoodey

Published: February 8, 2017

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey Isbitaal ku yaala dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii hre ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor, oo loo yaqaanay Jen. Cadde Muse.

Jen.Cadde ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka Imaaraadka Carabta waxaana uu geeriyoodey maanta oo taariikhdu tahay 8da Feberaayo.

Marxuumka ayaa ifka uga tegey afar caruur ah oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood iyo hal xaas.

Bahda Horseed Media oo dhan waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan marxuumka.

Taariikhdiisa oo faah-faahsan gadaal ayaa laga daabacayaa

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *