Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Nin Facebooga Ka Codsaday In Loo Geeyo-Dhagayso.

Published: February 12, 2017

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ku xiriirto ee Facebooga si weyn u qabsaday Nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) oo ku qaylinayay ” Ar Farmaajo Ii geeya” ayaa ugu dambayntii la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Cabdullaahi Daanyeerow oo degan magaaladda Jowhar ooxalay madaxweynaha loogu geeyay Hotel Aljazeera ee magaalada muqdisho, ayaa waraysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanahay inuu la kulmo madaxweynaha.

” waan la kulmay, wixii war ahna waan isdhaafsanay, waxaan ku iri %100 waan ku taageersanahay, dadkaaga iyo diintaana aad difaacdid” ayuu yiri

Cabdullaahi oo ah Aabe shan carruur ah haysta,waana muruqmaal dushiisa ugu xamaala caruurtiisa, wuxuu sheegay in ilaa 2011-kii uu taageersanaa, islamarkaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doorato madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *