Arday ka qalin jabisay jaamacadda Muqdisho faraca magaalada Bosaso-Sawiro

Published: February 16, 2017

Maanta oo ay taariikhdu tahay 16-02-2017 waxaa kadhacay jaamacadda Muqdisho kambaska Puntland xaflad qalinjabin oo ay ku qalinjabinayaan dufcadii 5-aad ee ardayda jaamacadda qaybta Puntland.

Ardayda qalinjabisay oo qaatay darajada bajulaarka iyo mastarka tiradooduna dhamayd 127 arday, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qayb ka mid ah golaha sare ee jaamacadda, gudoomiyihii hore ee jaamacadda barafasoor diktoor Cali sheekh Axmed Abuubakar, ahna xubin katirsan golaha sare ee Jaamacadda, Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibrahim Maxamed Mursal iyo mas`uuliyiinta kala duwan ee Jaamacadda.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camay), wasiirka waxbarashada Puntland Abshir aw Yusuf mas`uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, Isimo, madaxda Jaamacaddaha, madaxda ururadda bulshadda, iyo marti sharaf kala duwan ee bulshadda.

Xafladaas intii ay socotay waxaa hadalo ka soojeediyey mas`uuliyin kala duwan iyaga oo u hambayeeyey una duceeyey lana dardaarmay ardaydaas qalinbadalatay, waxaana lagu doonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan.

Gaba gabadii xafladda wuxuu halkaas kaga dhawaaqay barafasoor diktoor Cali sheekh Axmed Abuubakar oo wakiil ka ah golaha sare ee jaamacadda Muqdisho go`aanka golaha ee ah in kambaska jaamacadda muqdisho puntland loo badalay Jaamacadda Badda Cas laga bilaabo 16-02-2017, isaga oo u mahadceliyey dhamaan hawlwadeena jamaacadda ee dadaalka dheer ku soo bixiyey jaamacadda iyo bulshadda kala gadisan ee Putland iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay kambaska.

Wuxuuna urajeeyey Jaamacadda cusub guul iyo horumar, isaga oo balan qaaday inuu kadhaxayn doono iskaashi dhow labada jaamacadood oo ku saabsan tayeynta tacliinta iyo horumarinta bulshsadda.
Mahadsanidin

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *