Amal Bank oo laantii shanaad ka furatay magaalada Bosaso-Sawiro

Published: February 18, 2017

Amal Bank ayaa xarun cusub oo hor leh ka furatay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland-Soomaaliya

Xaruntan cusub oo uu bangiga ka furtay bosaso ayaa noqonaya laantii shanaad ee uu bangiga ka hir geliyo Bosaso

Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Laanta shanaad ee Bangiga Amal, kaasi xariga looga jaray laanta shanaad ee Bangigu kuyeeshay magaalada Bosaso; laantaan shanaad oo ku taala Wadada Airport-iga ka soo horjeedka Hotel Jubba-1.

Xafladdaan xarig ka jarka laanta shanaad ee Bangiga Amal ee magaalada Bosaso ayaa waxa kasoo qeyb galay; maamulka gobolka Barri oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Barri Yusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay ganacsatada Isimada,qaar ka mid ah Culima`udiinka, iyo aqoonyahanno.

Xafladda ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal Dr.Siciid Cali Shire; Maamulaha oo sharaxaad ka bixiyay muhiimadda Bangiga Amal uu u leeyhay bulshada Soomaaliyeed, kuna dheeraaday adeeg-yada kala duwan ee Bangigu u soo bandhigay bulshada.

Maamulaha ayaa ku booriyey ka soo qeybgalayaashii xafladda astaamaha lagu doorto Bangi, sida Sharciyadda bangiga ama Leesanka Bangigu ka haysto Bangiga Dhexe ee Dalkiisa, Hantida Ma guurtada ah ee uu leeyahay, Ku dhaqanka Shareecada Islaamka maadaama uu yahay Bangi islaami ah, iyo isticmaalka tegnolojiyadda Casriga ah; intaas oo astaamood oo Bangiga Amal dhammaan uu leeyhay sida in uu haysto leesanka Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo in uu Bangigu ku leeyahay Soomaaliya hanti ma guurta ah, sidoo kale in Bangigu leeyhay Guddi Shareecada Islaamka ah ( Sharia Board) oo Hubiya adeeg-yada Bangiga in ay waafaqsanyihiin shareecada Islaam-ka , iyo ugu danbayn in Bagigu uu isticmaalo tegnolojiyad Casri ah dhanka siistam-yada uu ku shaqeeyo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladda Gudoomiye ku xigeenka rugta Ganacsiga Maxamed Cabdi Waaberi; oo si qoto dheer u bogaadiyey sida Bangigi Amal ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda Gudoomiyaha Gobolka Barri Yusuf Maxamed waycays( Dhedo), oo khudbad dheer ka dib; xariga ka jaray laanta shanaad ee Bagiga Amal Ku yeeshay Magaaladda Bosaso.

Bangiga Amal ayaa balaariyey laamaha uu ku leeyahay Magaalada Bosaso; Wuxuuna gaarsiiyey 5 laamood; Laamahaan oo kala ah;

  • Xaruntii hore ee Amal plaza dhinaca ku haysa Masjid Al-Rowda.
  • Laanta Wadada Airporka ka soo horjeed-ka Hotel Juba1
  • Laanta suuqa caanaha
  • Laanta Dowladda hoose; dhabarka dambe ee istaanka tagaasida.
  • Laan ku dhex taala Al-macruuf super-market oo iyadu shaqeeynaysa (Habeen iyo Maalin), laamahaan oo laguugu diyaariyey dhamman adeeg-yada Banagigu bixiyo oo dhan iyo xawaalad

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *