Maraakiibtii ugu badneyd ee Jariifka oo ku sugan xeebta Boosaaso -VIDEO

Published: February 21, 2017

Waxaa maalmihii u danbeeyey ku sugnaa meel ku dhaw dekadda magaalada Bosaso maraakiib badan oo ah nooca jariiflayaasha. Tirada maraakiibtan ayaa ka ka badan 10 markab oo jariiflayaal ah.

Maraakiibtan ayaa wararku sheegayaan in ay sugayaan in ay helaan warqadaha ruqsada ee ay ku kaluumeysan lahaayeen.

Shacabka magaalada Bosaso ayaa isweydiinaya ujeedka Maraakiibtan muddada dheer u taagan yihiin xeebta, iyo waxa maamulku uga aamusan yahay.

Sidaan si lamid ah ayaa laga soo sheegayaa xeebaha Badweynta Hindiya iyo weliba Badda cas in ay soo galeen maraakiibtii ugu badneyd abid.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin maraakiibta taagan xeebta. Horseed Media oo xiriir la sameysey Wasaaradda Kaluumeysiga ayaa masuul ka tirsan wasaaradda u sheegay in ay ka warqabaan maraakiibtan faah-faahin intaas ka badana aanu bixin karin.

Warar ayaa sheegaya in maraakiibtan laga lee yahay dalalka Shiinaha iyo Kuuriyada Konfureed, hadii la galo heshiis ay shirkaddaha kaluumaysiga Shiinaha ku soo galaan badaha Soomaaliya, waxaa hubaal ah in jariifka shirkadaha Shiinaha dhib u geysandoono bulshada kaluunka ka ganacsada iyo kuwa ku noolba. Shirkadaha Kaluumeysiga ee Shiinaha ayaa la isku raacsan yahay in ay yihiin kuwa ugu dhibta badan caalamka.

In badan oo kamid ah shacabka ayaa jawaab ka sugaya Xukuumaddu in ay ka bixiso maraakiibta taagan xeebta Bosaso iyo kuwa kale ee ku jira Badweynta Hindiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *