Ciidanka ammaanka Puntland oo xabsiga dhigay nabadoon Xarago

Published: February 25, 2017

Ciidanka ammaanka magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Bari.

Nabadoonka ayaa la xiray xili uu ku sii jeeday degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Xariga nabadoonka ayaa yimid kadib markii uu ka hadlay xakun dil toogasho ah oo lagu riday 7 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka Shabaab xili uu booqasho ugu tagay saldhiga weyn ee magaalada.

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ah nabadoon ka hadla arrimaha siyaasadda, isla markaana leh shacbiyad.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *