Published: March 12, 2017
Xasan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa amar kasoo saaray bogcadaha ama boosaska sida sharci darrada ah loo kala iibsanayo ee ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee Adan Cade.
Amarka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in la hakiyo dhamaan dhismayaasha socda, wax dhul ah aan la kala gadan karin ama la isku wareejin karin, madaama lagu xadgudbey xayndaabkii Garoonka.
Kheyre ayaa sheegay in guddi baaritaan ku sameeya loo samaynaayo arrintan.
Horseed Media