Shirka Wadatashiga Maamulka Xisaabaadka Dadweynaha oo Garoowe Lagu Qabtay

Published: March 15, 2017

Caasimadda Garoowe waxaa lagu qabtay shir ballaaran oo lagaga tashanayo hanaanka ugu wanaagsan ee nidaamka maamulka xisaabaadka dadweynaha ee dowladda Puntland,.

shirkan oo ay soo qabanqaabisay Dalladda Midaysa ururada aan dowliga ahayn ee PUSAA, waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland, Bangiga dhexe ee dowladda, qaar ka mid ah ururadda bulshadda rayidka ah iyo khuburo dhinac maaliyadda iyo xisaabaadka.

Guddoomiyaha Dalladda PUNSAA Nuur Shire Cismaan oo ugu horrayn ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadaa shirka iyo ujeedooyinka loo qabtay, wuxuuna sheegay in dadweynuhu ay yihiin cida dowladu u adeegayso, islamarkaana loo baahan yahya in la toosiyo oo la saxo.

” Dowladu halkee dhaqaalaha ka heshaa, Cashuurtay ka heshaa, deeq bay ka heshaa iyo ilo kale ayay ka heshaa, intuba dowladdu dadkay u haysaa, waajibaadka kowaad ee muwaadinku waa inuu bixiyo Cashuurta, wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado lacagta uu bixiyay meesha lagu bixiyay inahaasi oo dhan dadweynuhu waa inay ogyihiin” ayuu yiri Nuur shir Cismaan

” ” hantida la leeyahay ha la dhaqaaleeyo oo ha la maareeyo dowladda ayaa gacanta ku haysaa waxaynu nahay dad loo adeegayo oo cidda u adeegaysa uga baahan inay toosiso,xaq ku leh inay saxdo” ayuu sii raaciyay

Agaasime K/xigeenadda Bangiyadda Puntland Maxamed Siciid Ciise (hoggaamo-la-roor) oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in dhowaan Puntland barnaamijka PFM ee maamulka xisaabaadka kaasi oo muddo labo sanno ah Puntland laga waday

” bishii hore ayaa barnamijka Xisaabaadka Dadweynaha (Public finance Managment ) laga hirgaliyay Puntland, waxaana la tegay habkii hore ee qadiimiga ahaa ee xisaabaadka , loona gudbay hab cusub oo casri ah oo xisaabeed oo computer la adeegsanayo” ayuu yiri Hoggaamo-la-roor.

dhinac kale, Agaasimaha Dallada PUNSAA Bashiir Siciid Ismaaciil ayaa sheegay in Toddobaadka dambe magaaladda Garoowe uu ka furmi shirweynihii guud ee dallada PUNSAA oo sadde sannaba la qabo, waxaana ka qaybgalin doonaa ururadda xubnaha ka ah dalladda, iyadoo lagu dooran doono guddoomiyaha, Guddoomiye Kuxigeenka iyo guddiga dhexe Dalladda.

Gabagabadii, shirweynaha Maamulka Xisaabaadka dadweynaha oo ay soo qabanqaabiysay dalladdu ayaa socon doono muddo saddex maaalmood, waxaana gabagabada la filayaa in laga soo saaro tallooyin wax ku ool ah oo lagu biiryo barnaamijka xisaabaadka si u noqdo mid hanqaada oo dalka ka shaqeeya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *