Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo 42 qof ku diley Masjid ku yaala Siiriya

Published: March 17, 2017

In ka badan 42 qof ayaa naftoooda ku waayey weerar lagu qaadey Masjid ku yaala magaalo ay maamulaan mucaaradka oo ku taala waqooyiga Siiriya. Maraykanka ayaa ballan qaadey in ay baarayaan warka sheegaya in diyaaradahooda dagaalku ay masjidka duqeeyeen.

Hay’adda SOHR ee ku kacsan maamulka Bashar Assad isla oo u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in 42 qof lagu diley weerarka. Masjidka ayaa ku yaala magaalo yar oo la yiraahdo Al-jineh.

Sida ay sheegtey SOHR weerarka ayaa dhacay xili dadku ki jireen salaadii cishe, masjidkuna aad u buuxey. Dad ka badan 100 qof ayaa weerarka ku dhaawacmey. Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in dhamashadu ay ku dhawdahay 60 qof.

– Weerarkayagu kuma socon Masjidka, waxaan dooneyney in aan duqeyno dhisme masaajidka u jira 15 mitir ayuu yiri John J. Thomas oo u hadley xarunta hoogganka dhexe ee Maraykanka.

Sida laga soo xiganayo John J. Thomas ayaa sheegay in ay dhici karto in weerarkoodu waxyeelo ay ka soo gaartey dad rayid ah, waxaana uu sheegay in ay baarayaan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *