Ruushka oo heshiis la galay Kurdida Siiriya

Published: March 21, 2017

Dowlada Ruushka ayaa heshiis la gashay xoogaga Kurdida ka dagaalameysa Siiriya ee loo yaqaan YPG.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Ruushka uu gacan kasiin doono Kurdida tababarada ciidamada, isla markaana xarumo ka sameysan doono dhulka ay Kurdida ka taliso ee Waqooyi Galbeed dalka Siiriya.

Ciidamada Ruushka ayaa shalay gaaray gobalka Afrin ee Waqooyi Galbeed Siiriya halkaasi oo ay ka taliyaan Kurdida.

Ruushka ayaa horey gacan u siin jiray dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad balse hada doonaya inuu xulafo cusub la sameysto Kurdida oo iyagu dagaalkooda ugu weyn kula jira xoogaga Daacish oo ku sugan qeybo kamid ah Waqooyiga Siiriya.

Kurdida Siiriya ayaa tan iyo markuu bilowday dagaalka sokeeye ee Siiriya iyagu ku guuleystay inay maamulo u gaar ah ka sameystaan waqooyiga dalkaasi, walow ay arrintan si weyn uga soo horjeedo dowlada Turkiga oo ay jaarka yihiin.

Ciidamada Turkiga oo laftooda gudaha u soo galay wadanka Siiriya ayaa marar badan duqeeyey goobaha hada la sheegayo in Ruushka fariisimo ciidamo ka sameysan doono.

Kurdida YPG ayey xukuumada Turkiga u aragtaa mid lamid ah kooxda kurdida PKK ee ka dagaalanta gudaha wadankooda.

Xoogaga YPG ayaa horey gacansaar ulla lahaa Maraykanka oo saadka ka taageera, waxayna kamid yihiin ciidamada loo diyaarinayo inay qabtaan magaalada Raqqa ee xarunta Daacishta Siiriya.

Afhayeen u hadlay YPG ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan cududooda militari, wuxuuna sheegay in ay laba jibaari doonaan tirada askartooda. Kooxda ayaan la qiyaasayey inay heystaan ciidamo gaaraya 60.000 askari, waxaana la filayaa inay tiradaasi gaarto in ka badan 100.000 askari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *