Muqdisho: Culumada oo Barlamaanka uga Digay Inay Ka Horyimaadaan Wasiiradda Cusub

Published: March 26, 2017

Culumaa`udiinka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa ku biiray olole ballaaran oo barlamaanka federaalka Soomaaliyeed looga codsanayin ay meel mariyaan Xubnaha Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Ra`iisul wasaare Xasan Cali Keyre.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culumad ku dhow dowladda, kana mid ahxubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in marxlad adag ay ku jirto nolosha dadka Soomaaliyeed , wuxuuna uga digayxubnaha Golaha Shacabka ee dowladda federaalka inay ka horyimaadaan Wasiirrada Cusub ee baarlamaanka laga sugayo inuu meel mariyo.

“Soomaaliya marxalad adag ayay mareysaa uma baahna in leys jiid jiido baarlamaanka waxaan leeyahay Naga daaya mooshinkaan la sheegayo Waxaan idinka Codsanayaa in aadan ka shaqeyn dib u dhaca dalkiinna. ” Ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Gabagabadii, Hadalka Sheekha ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintiiAfhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu gaarsiiyey raysalwasaaraaha Xukuumadda Federaaliga ah Xasan Cali Kheyre dhaliil warqad muujinaysa saluug ka yimid Xildhibaano ka badan 100 kuwaas oo ku dhaliiley in golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabey Xasan Cali Kheyre aysan waafaqsaneyn qaabka habqeybsiga ee horey loogu dhaqmi jirey, islamarkaana ay aad u badan yihiin.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *