Madaxweyne Shariif: Haddii La Ansixiyo xukuumadda Khayre, Ra’isul Wasaare Ayaan Magacaabayaa

Published: March 27, 2017

Madaxweynaha maamul goboleedka koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku hanjabay inuu magacabaayo Ra’isul Wasaare, haddii barlamaanka federaalka ay meel-mariyaan gollaha wasiiradda ee uu soo dhisay Ra’isul Wasaare khayre.

Shariif Xasan ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu ka qaybgalayay Barnaamij loogu magac daray (Todobaadka dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda),wuxuu sheegay inuu doonayo in maamulkiisu yeeshe ra’isul wasaare, balse sida uu dhigayo dastuurka dalka maamul goboleeyadu ma yeelan karaan ra’isul Wasaare iyo wasiirk arrimaha dibada.
“Hadii la ansixiyo xubnaha wasiirada uu soo magacaabay Ra`iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, maamulka Koonfur Galbeed, warqadaha iyo qalimaanta ayaa isku-kay dul-saaran, waxaan ku dhawaaqeynaa Ra`iisal wasaare” sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan.
Hadalka ka soo yeeray madaxweyne shariif oo dad badan ka yaabiyay ayaa muujiynaya sida uusan ugu faraxsanayn gollaha xukuumadda ee ra’isul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku dhawaaqay toddobaadkii hore.
Gabagagbadii, guddoomiyaha barlamaanka federaalka Maxamed Cismaan Jawaari oo ka soo jeeda maamul Koonfur Galbeed ayaa ra’isul Wasaaraha u soo jeediyay in wax ka bedelo gollaha ka hor inta uusan hor imaan barlamaanka, isagoo sheegay in 105 xildhibaan ay ka soo horjeesteen gollaha uu magacaabay.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *