Madaxweyne Gaas oo Ka Qaybgalay Aas-Qaran oo Loo Sameeyay Saddex Saraakaal -Sawiro

Published: March 28, 2017

Waxaa caasimadda Garoowe aas-qaran loogu sameeyay Saddex sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadda Puntland oo shalay ku geeriyotay shil gaari oo shalay ka dhacay degaanka degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal

Aaska waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku xigeenka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida bulshada magaalada Garoowe.

Sadexdan sarkaal ayaa kala ahaa gashaanle dhexe Maxamed Siciid Jaamuus lataliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland. gaashaanle dhexe Cawed Cabdiraxmaan Guuleed Taliye xigeenka hogaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne K/xigeenkiisaayaa ugatacsiyayeeyay talisyada ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, waxayna ku sifeeyeen inay ahaayeen saraakiil ka soo baxa shaqadooda doorfiicana ka qaata difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada Dawladda Putland iyo shacabkeeda.

Gabagabadii, Madaxdii, Culuma’udiinka iyo dadweynihii ka qaybgalay aaska waxaa ay Illahay uga baryeen marxuumiinta inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo, camalkooda inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo talisyada ciidamada DPL, shacabka Puntland, eheladii qarabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen dhamaantood.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *