Afhayeenka Xulafada Sacuudiga oo lagu weeraray LONDON – VIDEO

Published: March 31, 2017

Gen.Axmed Asiri oo ah Afhayeenka ciidamada Sacuudiga iyo xulafadooda oo booqasho ku yimid dalka Ingiriiska ayey mudaharaadayaal ku weerareen magaalada London.

Shaqsiyaadka u ololeeya joojinta dagaalka ka socda Yemen ayaa weeraray Jeneraalka oo ay sheegeen inay doonayeen inay xabsiga u taxaabaan maadaama uu yahay danbiile dagaal.

Gen.Asiri ayaa xiliga la weeraray siigalayey xarunta Golaha [European Council of Foreign Relations] oo uu khudbad kasoo jeedinayey.

Ciidamada Amaanka iyo illaalada Jeneraalka ayaa ka hortagay in dadkan careysan ay gacanta ku dhigaan Jeneraalka oo isaguna u muuqday inuu si xun uga xumaaday arrintan, isagoona farta dhexe ku taagay dadkii duulaanka ku ahaa.

Ururada u dooda xaquuqul Insaanka ayaa ka dayrinaya xaalada Abaarta iyo macaluusha ka jirta dalka Yemen xili ay weli sii socdaan dagaalada. Xulafada Sacuudiga oo duqeyntooda Yemen bilaabay sanadkii 2015 ayaa lagu eedeenayaa xasuuqa dad badan oo shacab ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *