Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Published: January 13, 2018

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wegdigiisa ayaa maanta oo Sabti ah ka duulay magaalada Boosaaso oo uu booqasho ku joogey tan iyo maalintii Khamiista. Wefdiga Madaxweynaha ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Gaalkacyo si weyn loogu dhaweeyey, iyadoo wefdiga Madaxweyanha Soomaaliya uu ka horeeyey wafdi kale oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyey madaxa Puntland, Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay rati la mariye y midabka Buluug iyo xidig cad oo laga wado Calanka Qaranka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Maamulka Galmudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay tan iyo shalay magaalada ka wadeen howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqan doona Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah Galmudug, sidoo kale wauxuu booqan doonaa Dhuusamareeb oo ay ka taliyaan Ahlu-sunnah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *