Madaxweynaha Puntland oo Garoowe dib ugu laabtey

Published: January 18, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa caawa dib ugu laabtey magaalada Garoowe kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay shir lagu mideynaayey maamulada Ahlu-Sunnah oo horey uga talin jirey Dhuusamareeb iyo maamulka Galmudug ee xaruntiisu ahayd Cadaado.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xusuus gaar ah u lahayd Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ahayd magaaladii uu ku korey, waxcbarashadana ka bilaabey. Cabdiweli Cali gaas ayaa ka hor inta aanu Garoowe ku soo laaban booqasho ku tegey Iskoolkii uu yaraantiisi dhigan jirey iyo gurigii uu magaalada ka deganaa waagii uu yaraa kaas oo loo aqoon jirey Shinbiraale haddase loo baxshey Al Ma-Muun!.

Iskoolkii uu dhigan jirey Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsn yahay in uu mudo dheer ka dib uu yimaado iskuulkii uu waxbarshada ka bilaabay iyo fasalkiisii ugu horeeyay maantana ay utahay maalin taarikhi ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu booqasho ku tegay hoygii uu ka degenaa yaraantisii magaalada Dhuuso-mareeb, waxaana uu halkaasi kula kulmay qaar ka mida saaxibadisii ay isku xaafadaha ahaayeen iyo kuwii ay isku fasalka ahaayeen, kuwaasi oo Madaxweynaha uu dhex maray wada sheekaysi iyo isxasuusin waayihii ay soo wadaqaateen yaraantoodi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *