Uhuru Kenyatta oo ka horyimid in AMISOM Soomaaliya ka baxdo sanadkan

Published: January 29, 2018

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya xaaladeeda lagu dejin karo ay tahay hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika. Uhuru Kenyatta ayaa arrintan u sheegay Xogahayah Guud ee Qaramada Midoobey Ant├│nio Guterres oo ka qaybgalay shirkii Midowga Afrika ee ka furmey magaalada Adis Ababa.

“Xasilloonida Soomaaliya waa furaha gobolka, wax kasta oo aan sameyn karno si loo xaqiijiyo horumarka ilaa hadda la gaarsiiyey waa la sii wadi doonaa” ayuu yiri Kenyatta oo kulan la qaatey xoghayaha Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa.

Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga soo horjeeda in AMISOM laga saaro sanadkan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee SNA aysan weli u diyaar u ahayn in ay la wareegaan amniga dalkooda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu baaqo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay hubiyaan in waqtiga dhabta ah ee laga baxayo Amisom ay tahay in lagu dabagalo dib-u-eegista joogtada ah,” Ayuu yiri Kenyatta mar uu khudbad ka jeedinaayey Shirkii Midowga Afrika ee Adis Ababa ka furmey maalintii shalay ee Axadda.

Qaramada Midoobey ayaa horey u go’aamisey wakhtiga AMISOM Soomaaliya ka baxayso in uu noqdo dabayaaqada sanadkan 2018.

Dalka Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun ciidan ah kuwaas oo badankood ay ku sugan yihiin Jubbada Hoose iyo Gedo, waxay gudaha Soomaaliya soo galeen iyaga oo aan haysan mandate Qaramada Midoobey ah, kadib muddo yar waxay kamid noqdeen hawlgalka AMISOM. Dagaalo gaadmo ah ayaa al-Shabaab ku dileen boqolaal askeri oo u dhashey dalka Kenya, labadii sano ee la soo dhaafey.

Dhaqaale aad u badan ayaa Caalamka uga baxa hawlgalka AMISOM taas oo sanadihii ugu danbeeyey aan sameyn wax horumar ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *