Xero Ciidan oo ku taala Kabul oo weerar lagu qaadey

Published: January 29, 2018

Niman hubeysan ayaa weerar ku qaadey xerada tababarka ciidanka ee caasimadda dalka Afqaanistaan Kabuul. Shan askeri ayaa weerarka ku geeriyootay toban kalena waa ku dhaawacmeen. Kaabuul ayaa maalmihii u danbeeyey ay hareeyeen weeraro ay dad badan ku geeriyoodeen.

Shan nin oo hubeysan aya ka danbeeyey weerarka lagu diley shanta askeri laguna dhaawacay tobanka kale. Laba kamid ah kuwa weerarka qaadey ayaa nafooda ku qarxiyey xerada, laba nin oo kale oo kuwa weerarka fuliyey kmid ah ayaa toogasho lagu diley halka midka kalena nolol ahaan lagu qabtey, sida ay xaqiijisey wasaaradda difaaca ee Afqaanistaan.

Kooxda la baxdey Dowaldda islaamka ama Daacish ayaa sheegatey masuuliyadda weerarkan, sida ay qoreen wakaalado warar oo kala duwan.

Afhayeenka Booliska Kabul Basir Mujahid ayaa xaqiijiyey weerarkan waxaana uu sheegay in kooxda weerarka soo qaadey ay ahaayeen kuwo naftooda qarxiyey, kuwo ku hubeysnaa baasuukayaal kuwaas oo ciidamadu ka hortageen, sida ay qortey wakaaladda AFP.

Malintii Sabtida ayey ahayd markii uu dhacay weerarkii ugu xumaa muddooyinkan oo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 100 qof, waxaana ka danbeeyey weerarkaas ururka talibaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *