Israel oo markale duqeysay Kaydka Hubka Bashar Al Assad

Published: February 8, 2018

Dowlada Siiriya ayaa ku eedaysay diyaaradaha dagaalka ee Israel inay fuliyeen duqeyn Arbacadii shalay lala beegsaday mid kamid ah kaydkooda hubka oo ku yaal duleedka magaalada Dimishiq.

Ciidamada cirka ee Siiriya ayaa sheegay inay soo rideen gantaalada Israel kusoo tuureen, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in qaar kamid ah gantaalada ay ku dhaceen xarun kayd hub u ah oo ku taal deegaanka Jamraya oo Dimishiq uga beegan waqooyi galbeed.

Xukuumada Bashaar Al Assad ayaa ku sheegtay duqeyntan mid ay Israel gacan kusiineyso kooxaha argagaxisada ee dowlada Siiriya la dagaalamaya, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Israel duqeyso saldhiyada militari ee Dowlada Siiriya, waxay sidoo kale horey marar badan duqeynmo ulla beegsatay saraakiisha kooxda Xisbullah ee gacanta siinaya ciidamada Siiriya iyo waliba xarumaha hubka waaweyn u yaalaan dowlada Bashar Al Assad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *