South Africa: Musuq Maasuqii Madaxweyne Zuma oo lugaha la galay Qoys Maalqabeen ah

Published: February 14, 2018

Booliiska koonfur Afrika ayaa saaka oo Arbaca ah gudaha u galay hoyga Qoyska loo yaqaan Gubta oo kamid ah ganacsatada ugu awooda badan dalkaasi oo xiriirka lalahaa Madaxweyne Jacob Zuma.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxay saxaafada dalkaasi si weyn u hadal heysay musuq maasuqa ka dhaxeeya qoyska Gubta iyo Madaxweyne Zuma. Waxaana la sheegaa in qoyskaasi ay awood badan ku dhex lahaayeen dowlada isla markaana Madaxweynaha talada kasiin jireen mashaariicda iyo waliba siyaasiyiinta xilalka loo dhiibo ee Golaha Wasiirada.

Qoyskan oo asal ahaan ah Hindi ayaa la rumeysan yahay inay musuq maasuqeen lacago badan oo ay dowlada kusiisay mashaariic ay sheegeen inay fulinayaan sida kuwa beeraha, balse lacagtaasi loo adeegsaday xaflado ay qabsadeen qoyskaasi sida aroos weyn oo lacag badan ku baxday.

Hawlgalka Booliiska ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii xisbi Xaakimka ANC ay ugu baaqeen Madaxweyne Zuma inuu xilka isaga dego, waxaana la filayaa in Baarlamaanka maalmaha soo socda codka kalsoonida u qaado Madaxweynaha haduu diido inuu iskiis isku casilo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *