QATAR: Sacuudiga wuxuu cadaadis ku hayaa dalalka Saboolka ah ee uu deeqda siiyo!

Published: February 17, 2018

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo ka qeyb galaya shirka Amniga looga hadlayo ee ka socda Munich/Germany, ayaa sheegay in xiisada Khaliijka ay tahay mid ay abuureen xulafada Sacuudiga oo uu sheegay inay khatar ku keeni doonto amniga iyo dhaqaalaha gobalka.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu culeys weyn saaray dalalka uu deeqda siiyo inuu ku cadaadiyo inay qaataan siyaasadooda ku aadan xayiraada ay saareen Qatar.

“…Kooxaha duulaanka ah (Isbaheysiga Sacuudiga, UAE, Egpyt & Baxreyn) waxay doonayaan in dalalka saboolka ah iyo kuwa yar yar ay u adeegsadaan siyaasadooda qalafsan ee kala qeybinta iyo awood raadinta ku saleysan….” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar oo Jimcihii shalay ka hadlayey shirka maalintii labaad ka socda magaalada Munich ee dalka Germany.

Amiirka Qatar ayaa intaasi ku daray in ay ku guuleysteen inay iska difaacaan duulaanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee lagu soo qaaday, isla markaana sameysteen xiriiryo cusub oo ganacsi oo ay uga soo kabtaan khasaarihii ay la damacsanaayeen Sacuudiga iyo xulafadooda.

Inkastoo Amiirka Qatar uusan magacaabin dalalka Sacuudiga uu culeyska saaray ee uu ku sheegay wadamada saboolka ah iyo kuwa yaryar ee gobalka, ayaa waxaa hadana horey u jirey in dalka Soomaaliya kamid noqday wadamada go`aanka dhex dhexaad ah ka qaatay xiisada Khaliijka oo uu culeyska uga yimid Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale la sheegaa in Dowlada Qatar ay iyadu lafteeda culeys ku saartay xukuumada Federaalka Soomaaliya inaysan la safan Sacuudiga iyadoo u balanqaaday dhaqaale iyo mashaariic.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *