Suuqa Wayn Ee Bakaaraha Oo Maalintii Labaad Xiran – Dhegayso

Published: February 19, 2018

Waxaa maalintii labaad xiran suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha kadib markiii uu khilaaf soo kala dhexgalay ganacsatada gobolka Banaadir iyo wasaarada maaliyada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo ku saabsan canshuurta iibka oo ay dawladu soo rogtay.

Muranka u dhaxeeya ganacsatada iyo wasaaradda ee keenay in la xiro gebi ahaanba suuqii Bakaaraha ayaa waxaa soo dhex galay gudiga joogtada ah ee baarlamanka dawladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee baarlamanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan ganacsatada, kalana hadli doonaan arimaha canshuurta iyo xirnaanshaha suuqa way nee Bakaaraha.

Todobbaadkii lasoo dhaafay ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Beyle waxa uu saxaafadda u sheegay in dawladu ay soo rogtay canshuurta iibka isla markaana ay ku qaadi doonto gudaha dekedda, ganacsatada ayaa dhankooda canshuurtaan ku tilmaamey in aysan sharci ahayn, maadama aysan suurta gal ahayn in ay bixiyaan canshuurta iibka alaab aan laba iibsa, waxay sheegeen canshuurta iibka in ay ku waajibtay dadka iibsadayaasha ah, laakin dawlada federaalku waxay sheegaysaa in arrintaani ay keentay duruufo jira awgood maadama aysan la socon karin ganacsatada iibkooda.

Dhegayso Weriyaha Horseed ee Muqdisho Aweys Bashiir

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *