Dowladda Jabuuti oo Qaramaysey Dekadda Doraleh

Published: February 24, 2018

Dowladda Jabuuti ayaa la wareegtey maamulka dekadda Konteenarada ee Doraleh ee ay horey heshiiska ula gashey shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka carabta. Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in heshiiska labada dhinac uu yahay mid wax u dhimaya madaxbanaanida dalka Jabuuti.

Maalintii Khamiista ayaa Jabuuti ku dhawaaqdey in la qarameeyey dekadda Doraleh lagana saarey maamulkii DP World.

Bayaanka ka soo baxay Jabuuti ayaa lagu yiri, “afka magaca Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaa Xukuumaddu go’aansatey in ay waxba kama jiraan ka soo qaado heshiiskii DP World.”

DP World ayaa horey ula gashey Jabuuti heshiis 30 sano ah in ay ku dhisto dekadda Doraleh taas oo lafurey sanadkii 2009. Doraleh ayaa ku dhaw xuduudka Jabuuti iyo Itoobiya

Xiriirka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti ayaa xumaadey kadib markii Jabuuti ay ka dalbatey Imaaraadku in uu u soo gacan geliyo ganacsade Cabdiraxmaan Boreh oo ahaa madaxa dekadda Jabuuti waxaana lagu eedeeyey Musuqmaasuq, taas oo Imaarkaadku diidey. Arrintaas kadib waxaa Jabuuti bilowdey in ay shaki geliso heshiiskii ay la gashey DP World, taas oo ay isla tageen maxkamad waxaana ku guuleystey DP World bishii Febaraayo 2017. Sidoo kale heshiiskan waxa uu sii xumaadey kadib markii DP World ay heshiis la gashey Somaliland sanadkii 2016 taas oo ay kula wareegtey dekadda Berbera.

Shirkad mataan la ah DP World oo la yiraahdo P&O Ports ayaa sanadkii 2017 bishii Abril Madaxweynaha Puntland u saxiixay in muddo 30 sano ah ay la wareegaan dekadda Boosaaso, iyadaoo 11 bilood ay ka soo wareegtey heshiiska P&O Ports ma bilaabin wax dhisme ah, waxaana wararku sheegayaan in ay waddo qorshihii ay uga bixi lahayd heshiiska denbigana u saari lahayd maamulka Puntland. Heshiiska ayaa dhigaayey muddo sanad gudihiis ah dhismuhu ku bilowdo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *