Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo ogolaatay wadahadalka Maraykanka

Published: February 26, 2018

Wafdiga ka socda Kuuriyada Waqooyi ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay dowladooda diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowlada Maraykanka.

Wafdigan uu hogaaminayo Jeneraalka Kim Yong-chol oo ka tirsan Madaxda sare ee Kuuriyada Waqooyi ayaa booqashada ku tagay dalka ay jaarka yihiin si ay uga qeyb galaan xiritaanka ciyaaraha Olympic-da ee ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Hadalka kasoo baxay wafdiga ka yimid Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii Maraykanka uu sheegay inay cunaqabteyn horleh saari doonaan dalkaasi.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in oo qaabilay wafdiga ka yimid Waqooyiga ayaa doonaya in dib loo furo wadahadalkii tooska ah ee u dhaxeeya labada Kuuriya.

Kim Jong Un, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dhigiisa Moon Jae-in ku casumay inuu soo booqdo dalkiisa, walow aan la aqoon in Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed uu aqbali doono casumaadaasi.

Dhinaca kale war kasoo baxay isla shalay dhinaca Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyiga looga baahan yahay inay joojiyaan barnaamijkooda Nukliyeerka iyo Gantaalada hadii ay doonayaan wadahadal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *