Israel oo Canshuur kusoo rogtay Kaniisadaha magaalada Qudus

Published: February 26, 2018

Hogaamiyayaasha Masiixiyiinta ku nool dhulka Falastiin ayaa shaaciyey inay xireen kaniisadii ugu weyneyd ee ku taalay magaalada Qudus kadib markii Israel ay sharuuc cusub kusoo rogtay kaniisadaha ku yaal dhulka ay heysato.

Kaniisada la xiray ee loo yaqaan (Church of the Holy Sepulchre) ayaa ah halka ay aaminsan yihiin Kirishtaanka inay tahay goobta lagu aasay nebi Ciise Cs.

Waana goob ay si weyn u booqdaan Masiixiyiinta iyo dalxiisayaasha booqda magaalada barakeysan ee Qudus.

Israel ayaa wada olole xoogleh oo ay dooneyso inay kula wareegto dhulka ku yaal bariga magaalada Qudus oo ah qeybta qadiimka ah ee magaalada oo ay ku yaalaan goobaha ay ku cibaadeystaan muslimiinta iyo Kirishtaanka. Waxaana kamid ah dhulkaasi goobta uu ku yaal Masaajidka Al Aqsa.

Kooxaha Yuhuuda Xagjirka ayaa ku beeciya lacago badan inay ku gataan dhulka Falastiiniyiinta ee cadaadiska la saaray, kadibna sidaa kula wareegaan xaafadaha ay ku badan yihiin Falastiiniyiinta. Waxaana lagu eedeeyey hogaamiyaha Kaniisada in qeybo kamid ah dhulka Kaniisada uu ka iibiyey shirkado laga leeyahay Israel.

Tilaabada ay qaadeen Kaniisadaha ku yaal dhulka Falastiin ayaa ah mid in muddo ah ku baaqayeen shacabka Falastiin, walow hogaamiyayaasha masiixiyiinta ay marar badan diideen inay xiraan kaniisadahooda.

Hogaamiyayaasha Kaniisadaha ku yaal Qudus ayaa sheegay inay Israel wado olole balaaran oo ka dhan ah Masixiiyiinta iyo Muslimiiinta magaalada Qudus. Falalkaasna ka horimaanayaan sharuucda caalamiga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *