Waa sidee xaalada dadka kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee kunool Bosaso-Dhageyso

Published: August 11, 2018

Tan iyo markii ay soo baxeen xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada waxaa cabsi xoog leh ay soo wajahdey Qowmiyadaha kal duwan ee kunool Bosaaso gaar ahaan kuwa Oromada kuwaasoo markii hore siyaabo kala duwan ugasoo cararay dalkooda Ethiopia.

Magaalo cad waa xero ku taala Duleedka woqooyi ee Magaalada Bosaso oo ay ku nool yihiin Qowmiyada Oromada waxa ay badankood walaac ka muujinayaan qulqulotooyinka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada,markaad la sheekeysatana waxa ay kuu sheegayaan in walwal ka qabaan ku dhex noolaanshiyaha iyo weliba tagidda goobaha laga dukaamaysto ee suuqyada Bosaaso oo ay sheegayaan in mararka qaar ay la kulmaan handadaad.

Boqolaal kamid ah dadka Oromada ayaa ku nool xeradan lagu magacaabo magaalo Cad kuna taal cirifka waqooyi ee magaalada Bosaaso,waxa ayna dadka kale ee qaxootiga Soomaalida kala siman yihiin baahiyaha adeegyada caafimaadka ,waxbarashada iyo biyaha.

Hoos ka dhageyso warbixinta ka hadlaysa nolosha qowmiyada Oromada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *