Ciidanka amniga Puntland oo howl gal xoogan ka wada magaalada Bosaso

Published: August 18, 2018

Howl gal balaaran ayaa ka socda magaalada Bosaso, kaasi oo ay fulinayaan ciidanka xoogga Puntland ee PSF. Howl galka ayaa waxa uu ka socdaa qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada sida wadada suuqa caanaha, gaaca iyo isgoyska Xalwo Banaadir.

Howl galka ayaa ka bilowday magaalada salaaddii casir kadib, waxa uuna saameyn xoogan ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Wadooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo dadka ka qab-qabanaya goobaha lagu shaaho, ganacsiga, gudaha suuqa weyn iyo mehradaha.

Ujeedka howl galka ayaa lagu sheegay mid lagu sugayo amniga magaalada, waxa uuna daba socdaa laba howl gal oo labadii habeen ee la soo dhaafay ay ciidanka ka sameeyeen xeryaha barakacayaasha ee magaalada, gaar ahaan dhinaca Bari ee magaalada.

In ka badan 300 oo dhalinyaro ah ayaa lagu soo qabtay howl galka, waxaana howl galkan qaar ka mid ah shacabka ay ku sheegeen kii ugu balaarnaa ee ka dhaca magaalada.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *