Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka oo la dhaariyey

Published: August 18, 2018

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa dhaariyay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka ee uu 5-ta bishaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda XFS ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.

Salaax Sheekh Ibraahin oo ka mid ahaa Garsoorayaashi maanta la dhaariyay ayaa ka codsaday in bahda Garsoorka si dhaw ula shaqeeyaan, islamarkaana waxuu balan qaaday in ay si cadaalad ah Ummada ugu shaqeynayaan.

Wasiirka Cadaalada Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka Dalka oo muhiim u ah Garsoorka Dalka.

Dr Jamaal Maxamed Axmed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku simaha xeer ilaaliyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in looga baahanyahay in ay dhowraan Nimaadka iyagoo cadaaladda garab taagan.

“Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka waan la qorsheynayaa dhawaan dhisidiisa “ayuu yiri Wasiirka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa ku dar daarmay in s bulshadu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka dalka loo baahanyahay in la muujiyo fur furnaan iyo Daacadnimo.

“Si Bulshadeenu ay ugu kalsoonaadaan Hay`adaha Garsoorka waxaa loo baahnyahay in lala yimaado daacadnimmo iyo Fur furnaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka .

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *