Madaxweyne Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Published: August 20, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa manta dib ugu soo laabtey Magalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa wefdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyey,xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya,intaa kadib madaxweynaha ayaa u gudbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu magaalada Ankara uga qeyb galay kullanka Lixaad golaha wakiillada Xisbiga AK-Part ee Dalka Turkiga, kulankaas oo uu madaxweyne Farmaajo kamid ahaa madaxdii lagu marti qaaday.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Turkiga magaalada Ankara kulan kulasoo qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,kulankaas oo labada masuul ay uga wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha xilligaan ka jira dalka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *