Baadigoob loogu jiro Dhalinyaro Somali ah oo xabsiyada Libya ka firxaday

Published: August 27, 2018

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah Xabsiyada ay ku jireen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *