Golaha Amaanka oo ka doodaya Tilaabada laga qadayo xasuuqa Muslimiinta Burma

Published: August 29, 2018

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodaya maanta Warbixintii ay soo saareen Guddiga ka socday UN-ka ee baarayey xasuuqii loo geystay muslimiinta ku nool dalka Burma (Myanmar).

Warbixinta Isniintii la shaaciyey ayaa lagu qeexay in xasuuqa iyo dan biyada dagaal oo ay dowlada militariga Burma u geysatay muslimiinta Rohingya, tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii tagay ayaa la sheegay in militariga dalkaasi ay dileen dad gaaraya 10.000 qof oo muslimiin ah.

Baaritaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in amarada xasuuqa muslimiinta Burma ay bixiyeen lixda Sarkaal ee ugu sareeya Taliska militariga dalkaasi oo magacyadooda lagu xusay warbixinta la horgeeyey Qaramada Midoobay.

Macada in Golaha Amaanka isku raaci doono tilaabo adag oo lag qaado dowlada Militariga Burma oo iyadu marar badan taageero ka heshay dalalka China iyo Ruushka oo awooda VETO ku leh golahaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *