Taliyihii Liyu Booliis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xilkii laga qaaday

Published: August 29, 2018

Madaxweynaha cusub ee dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamada Liyu Booliiska maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (Somali Galbeed).

Taliye Gen Abdirahman Laba-Go`lle ayaa kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhaw Madaxweynihii hore ee xilka laga qaaday Cabdi Iley oo isagu hada u xiran arrimo la xariira danbiyo uu maamulkiisa u geystay dadka shacabka deegaankaasi.

Waxaa Taliyaha cusub loo magacaabay Mohamed Abdi Mawsar sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya magaalada Jig Jiga.

Ciidamada Liyu Booliis ayaa lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen rabshadihii ka dhacay magaalada Jig Jiga iyo gobalkaasi kadib markii la sheegay in xilka laga qaadayo Abdi Iley.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *