Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horreeyay ku dhacay Addis Ababa.

Published: August 31, 2018

Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba heshiis wadaag ah dhanka dhaqaalaha inay labada dal sameeyaan.

War qoraal ah oo ka soobaxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa`ido ugu jirto labada dal.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *