Maraykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay INDIA!

Published: August 31, 2018

Dowlada Maraykanka ayaa walaac ka muujisay qorshaha Xukuumada India dooneyso inay kusoo iibsato Gantaalada lidka-diyaaradaha ee uu Ruushka soo saaro.

Gantaaladan oo loo yaqaan S-400 ayaa ah nooca ugu horumarsan caalamka ee dhanka difaaca cirka, waxayna dowlada India horey u sheegtay inay ku bixin doonto 6 bilyan oo dollar qalabkan ay kasoo iibsaneyso Moscow.

Maraykanka oo xulafo la`ah dowlada India ayaa sheegay in tilaabadan ay keeni karto in Maraykanka uu cunaqabateyn kusoo rogo dowlada India oo uu xiriir iyo xulafo soo jireen ah ka dhaxeeyo.

Washington ayaa horey cunaqabateyn u saartay Ruushka kadib markii ay xoog kula wareegeen jasiirada Crimea ee dalka Ukraine, taasi oo micnaheedu yahay in Maraykanka cadaadis saari doono dal walba oo ganacsi dhanka militari la sameeya Ruushka.

Madaxa Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka u qaabilsan Qaarada Aasiya, Randall Schriver ayaa sheegay in ay dhici karto in cunaqabateyn lagu soo rogo xukuumada New Dehli.

Xukuumada India ayaa horey uga codsatay Maraykanka inuu u ogolaado inay hubkan kasoo iibsadaan Ruushka. Waxay India dooneysaa inay hubkan isaga difaacdo cabsida ay ka qabto dhinaca dalalka ay jaarka yihiin ee China iyo Pakistan.

Shirkadaha laga leeyahay Maraykanka ee hubka soo saara ayaa inta badan loolan ugala in xulafada Maraykanka ay ku cadaadiyaan inay iyaga ka iibsadaan hubka casriga ah.

Dalka India oo kaliya maaha wadamada daneenaya inay hubkan cusub ee S-400 kasoo gataan Ruushka, sidoo kale Turkiga iyo Qatar oo kamid ah xulafada Maraykanka ayaa horey u dalbaday in loo sameeyo hubkan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey digniin uga soo saartay hadii Ruushka hubka ka iibiyo dalka Qatar, balse Moscow ayaa sheegtay in ay hubkaasi geyn doonto Qatar.

Gantaalada S-400 ayaa hada lagu tilmaamaa kuwa ugu fiican ee dhanka difaaca cirka, waxay tiiradooda gaartaa illaa 400km taasi oo halis weyn ku ah diyaaradaha dagaalka oo ah awooda ugu weyn oo ay adeegsadaan xulafada Maraykanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *