Xubanaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaso oo la dhaariyey-Sawiro

Published: September 5, 2018

Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa maanta xilkooda si rasmi ah loogu dhaariyey, dhaartaasi oo ka dhacday guriga gobolka ee magaalada Bosaso.

Dhaarinta xubnaha golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka Bari iyo guddiga soo xulista golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa ka koban 31 xubnood, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah ay doortaan duqa degmada Bosaso iyo xigeenkiisa, taasi oo ka dhici doonta xarunta dowladda hoose ee degmada Bosaso.

Duqa degmada Bosaso ayaa waxaa u sharaxan Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamad Faarax Xaaji Mire, halka ku xigeenka uu u sharaxan yahay Saciid Garown.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *