Hay’adda FAO oo soomaaliya ka fulinaysa mashruucyo lagu hormarinayo beeraha

Published: September 21, 2018

Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo kaluumeysiga ayaa kulan ay ujeedadiisu tahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa hay`adda FAO, iyo Wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumeysiga la qaataymasuuliyiin ka socda hay’adda Qaramada midoobay u xilsaaran beeraha iyo cunada ee FAO.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo amba qaadi lahaa geedi socodka shaqo ee hay`ada FAO ay ka wada Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa wasaaradaha xukuumada dhexe, si loo muujiyo hanaanka dowladnimo .

Wasiirada wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumeysiga ayaa u mahadnaqay madaxdii ka socotay hay`adda FAO, kuwaas oo iyana dhankooda masuuliyiinta labada wasaaradood kaga mahadceliyey wada shaqeynta wanaagsan oo ay u muujiyeyn.

Markii uu kulanka soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga hadlay u sharaxay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maxamuud Maxamed Maxamuud, Wuxuuna sheegay ineey labada dhinac ka hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo sidii loo hirgelin lahaa waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.

Masuuliyiintan ka socota Hay`adda Qaramada midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa sanad walba booqda xaruumaha wasaaradaha dowladda Soomaaliya si ay u sameeyaan xog uruurin ku saabsan waxyaabihii qabsoomay iyo caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *