Weerar lagu qaaday Masjid ku yaal Burkina Faso

Published: October 13, 2019

Kooxo hubeysan ayaa habeenimadii Sabtida Soogaleysay weerar ku qaaday Masaajid ku yaal waqooyiga dalka Burkina Faso halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Salmossi oo ka tirsan gobalka Oudalan oo xaduud laleh dalka Mali.

Illaa iyo hada lama yaqaan kooxda falkan ka danbeysay balse muddooyinkii danbe ayey koox xariir laleh Daacish weeraro ka geysaneysay deegaankaas waqooyiga Burkina Faso iyo wadanka ay jaarka yihiin ee Mali.

Mudaharaadyo Sabtidii shalay ay qabteen shacabka deegaankaasi ayey ku cambaareeyeen weerarada sii socda iyo waliba ciidamada shisheeye ee kusoo qul qulaya dhulkaasi oo ay hada ku sugan yihiin ciidamo ka kala socda dalalka Maraykanka iyo France.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *