Maxkamada Sarre ee Puntland oo diiday dib u eegista kiiska Caaisha Ilyaas.

Published: October 23, 2019
Maxamed Xareed-Xeer ilalaiye ku xigeenka Puntland.

Maxkamada sarre ee Puntland ayaa diiday in ay dib u eegis ku samayso Kiiskii Caaisha Ilyaas Aadan, qareenadii difaacayay sadexda nin ee ku eedaysan kufsiga iyo dilka ayaana sidaas maxkamadda sarre ka codsaday.

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo shir jira’id saxaaafada u qabtay ayaa sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.

Ilyaas Aadan oo saxaafada isagana si kooban ula hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa wax lagu farxo runtii inkasta oo kiiska aad u daba dheeraaday. Runtii waan hubaa in reer Puntland ay meel iska taagaan arintan oo qoyska Allah ha u naxariistee Caaisha yarey ay helaan cadaalad. kuwa kale ha ogaadeen in hadda kadib dil ay tahay xayawaankii gabar kufsada.