Garowe – Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay

Published: October 26, 2019
Xildhibaanada Puntland

Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland waxaa goor-dhawayd si rasmi ah uga fumray Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Xafladda furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb-galay oo furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Madaxda ka qayb-gashay kulanka ayaa khudbado kala duwan ka jeedin doona xaflada futitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo hadda bilaamatay.

Madaxwayne Deni ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbadda dastuuriga ah, isagoona ka hadlaya xaaladda guud ee gayyiga Puntland iyo waxbaqadkii u hirgalay mudadii uu xilka hayay.

Kal-fadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *