Hogaamiyaha mucaaradka Argentine oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi

Published: October 28, 2019
Related image
Alberto Fernández

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Argentine Alberto Fernández ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday.

Mr Fernandez ayaana doorashadaasi ka helay codad gaaraya 45%.  

Doorashadan ayaa kusoo beegantahay xilli dhaqaalo xumo aad u liidato ay ka jirto dalka Argentine.

Dadka reer Argentine ayaa la sheegay in sadax meelood meel ay yihiin dad faqri ah.

Hogaamiyaha mucaaradka eek u guulaystay doorashada ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu la shaqeen doono madaxwaynaha xilka ka sii dagayo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Codadka guud ee latiriyay ayaa ah 90% iyadoona Mr Fernandez codadkaasi uu ka helay 47.79% halka musharaxa latartamayay oo ah madaxwaynaha dalkaasina uu helay 40.71%.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *