Hirshabelle ” Dadka reer Hirshabelle waxay marayaan waqtigii ugu adkaa |

Published: October 29, 2019

Ka dib doonidii Soddon-ka qof la socdeen ee Isniintii ku degtay fatahaadaha webiga Shabelle ayaa waxay argagax-gelisay shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Xasan Cabdiqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala gaaro bulshada ay harqiyeen fatahaadaha Webiga Shabelle.

La taliyaha ayaa sheegay in shacabka reer Hirshabelle ay maanta marayaan waqtigii ugu adkaa, iyadoo ay isugu darsameen fatahaado iyo macluul, loona baahan yahay in aan loo kala harin gurmadka dadkaasi.

“Reer Hirshabelle waxay marayaan waqtigii ugu adkaa, waxaana isugu darsamaday fatahaado iyo abaaro. Waxay fatahaaduhu qaadeen qaar ka mida dadkeena, waxayna dhex sabeeynayaan biyo baaxadoodu aanan la qiyaasi karin. Waxaa ula jirta duruufo macluuleed, waxay u baahan yihiin in aan u istaagno garab qabasho mideysan iyo caawin deg deg ah oo aan loo kala harayn.”

La taliye Xasan Cabdiqaadir Muudey

“Waxaan la wadaaagayaa dhammaan ganacsatada, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo intii Alle wax siiyay in ay bixiyaan dadaal intiii ay awoodi karaan.”

Isagoo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayuu yiri.

“Dowladda Hishabelle State waxay diyaar u tahay in ay la shaqayso qof kasta oo diyaar u ah in dadkeena wax uun kula soo garab istaago.”

“Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare wuxuu fatahaadaha uu u magacaabay guddi ka shaqeeya samata bixinta dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddigana waxaa la faray in ay la shaqeeyaan cid kasta oo gacan nagu siinaysa badbaadada shacabkeena.”

Muudey ayaa ku waramaya in xaaladan oo kale marka ay jirto loo baahan yahay in ay is garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba, si looga maarmo kaalmo shisheeye.

“Xaaladan oo kale marka ay taagan tahay waa lama lagama maarmaan in si wadajira dadkeenu isugu gurmadaan meel kasta oo ay dunida ka jooggaan, iyadoo aan gacmo shisheeye lagu tashanayn.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *