Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Published: November 5, 2019

Wararka laga helayo xarunta gacansiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga shilka galay ayaa ku dhacay god weyn oo uu dumiyey roobkii dhawaan ka da’ay gobolka Bari, waxaana gaariga uu kusii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in shilkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa hadalkiisa intaasi ku daray in gebi ahaanba ay joojiyeen isku socodka gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo ilaa iyo inta dib u dayactir loogu sameynayo wadadaas.

“ Wixii dhacay waan ka xunnahay, gaariga wuxuu ku dhacay bohol weyn, wadadu waa ay burbursan tahay, sidaasi darteed waxaan leenahay gaadiidka haka joogaan inta ay wax iska bedalayaan, annaga iyo maamulka gobolkana waan iska aragnay, qorshe ayaana socda”

ayuu yiri Taliyaha.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Puntland, ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal gaari oo ay ka dhashaan khasaaroyin dhimasho iyo dhaawac ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *