Gudoomiye Dhoobo-dareed oo kalsoonidii lagala laabtay

Published: November 7, 2019
Gudoomiye hore Dhoobo-dareed

Kulan deg deg ah ayay isugu yimaadeen Baarlamanka Puntland, wuxuuna ajandihiisu ahaa soo jeedin ay keeneen xildhibaanada oo ah in xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim dhooba-daarood.

Kulankan waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Puntland Abuukaate Cabdicasiis , waxaana soo xaadiray 53 mudane.

49 mudane ayaa u codeeyay in xilka laga qaado halka 4 mudanena ay ka aamusatay, sidaas ayuuna gudoomiye Dhoobo-dareed ku waayay kalsoonida baarlamaanka.

Mudanayaasha mooshinka keenay waxay ay guddoomiyaha ku eedeeyeen in xarunta barlamanaka uu soo dhoobay ” Maleeshiyaad hubeysan “ iyo inuu jabiyay qodobo kamid ah dastuurka Puntland

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *