Puntland oo beenisay in DFS ay ciidan ka qoratay gobolka Mudug

Published: November 9, 2019
Sawir hore – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa  si adag u beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka qoratay deegaanno ka tirsan gobolkaasi Mudug.

Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi lagu baahiyay baraha bulshada, wuxuuna arintaasi ku tilmaamay inay wadaan shaqsiyaad lacag ka doonaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in qaar kamid ah telefishinno oo ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta caadaysatay wararka been-abuurka ah.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro”

ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah”

ayuu mar kale yiri.

Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *