Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo Shir Uga Furmay Garoowe [DAAWO]

Published: November 17, 2019

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa maanta ka furmay shirweyn lagaga tashanayo Xeerka Ganacsiga Somaliya, waxaana soo qabanqaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Shirweynaha waxaa si rasmi ah u furry Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Cabdullaahi Cali Xasan oo maanta soo gaaray Magaaladda Garoowe, waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirada ganacsiga maamul goboleedyada iyo xildhibaan C/raxmaan Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee Federaalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshaha dowladda federaalka Cabdullaahi Cali Xasan oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay wuxuu faahfaahin ka bixiyay muhiimada uu u leeyahay xeerkan ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo Xiriirka ganacsiga e Somaliya ay la leedahay wadamada kale ee caalamka

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/544379876352090/

“ Sharciga wuxuu sahlayaa ama fududaynayaa, diiwaangalinta shirkadaha wadaniga ah, maamulkooda, xeerkii lagu hagi lahaa, Hindise sharciyeedka wuxuu sahlayaa in Somalia ka mid noqoto suuqyada adduunka sida WTO, wuxuuna waxtar u leeyahay horumarinta dhaqaalaha” ayuu yiri wasiirka Ganacsiga ee dowladda federaalka.

Shirweynaha ka furmay caasimadda Garoowe wuxuu noqonayaa shirkii labaad ee dowladda federaalka ay soo qabanqaabisay ee ka dhaca magaaladda Garoowe labadii toddobaad u dambeeyay iyadoo toddobaadkii hore lagu qabtay Garoowe shirweynaha midaynta cashuuraha iyo maaliyada ee dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada, shirweynahaasi oo uu ka soo ka qaybgalay wasiirka maaliyada federaalka C/raxmaan Bayre.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *