Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatey hawl-wadeenada gurmadka fatahaadaha -SAWIRO

Published: November 17, 2019
Fatahaadaha webiga
Dadka uistaagey ka shaqeynta gurmadka dhibaatada fatahaadaha oo kulan la qaatey madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey dadka ka shaqeynaayey howlaha Gurmadka Fatahaadahawebiga Shabeele ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dedaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

Dhanka kale, xubno ka socdey Puntland ee ka shaqeynaayey howlaha gurmadka Shacabka Puntland u fidinayeen waslaalahooda reer Hiiraan oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *